Somali
Kooxda Dabdamiska ee loo yaqaan Metropolitan Fire Brigade (MFB) waxay siisaa gargaar degdeg ah in ka badan 2 milyan oo qof oo ku nool magaalaweynta Melbourne. Baaxada dhulka ay adeega siiso MFB waxaa loo qaybiyaa afar qaybood oo kala ah (soonaha dhexe, soonaha koonfureed, soonaha waqooyiga iyo soonaha galbeed) qayb walbaana waxay masuul ka tahay tira ah maxadooyin dabdamis.
MFB waxay shaqaalaysaa in ka badan 1700 oo dabdamiye iyo dhowr adeeg oo ay ku jiraan:
daminta dhamaan noocyada dababka
badbaadinta iyo baarista magaalada
badbaadinta xagasha sare
badbaadinta shilka wadada
wax ka qabashahada xaallada caafimaad ee degdegta ah
xaalladaha degdegta ah ee biyaha Port Phillip iyo webiyayaasha magaalaweynta
shilalka ka yimaada warshadaha iyo qaadista iyo xeraynta qalabka khatarta ah
kaalmaynta kuwa kale oo ku jira wax qabasho xaallad degdeg ah
xaalladaha degdegta ah ee la xiriira kiimikada, baayaloojikalka, iyo raadiyoolajiga
waxbarida bulshada iyo macluumaadka ka hortegida dabka iyo amaanka dabka.
Maxaa la samaynayaa xaallada degdegta ah
Wixii degdeg ah wac 000 weydiina dabdamiska, booliiska ama ambalansida.
Marka telefoonka laga jawaabo, fadlan sii macluumaadkan muhiimka ah:
- dhibta jirtaa waxay tahay
- Gurigaaga nambarkiisa
- Magaca wadaada iyo wadada ugu dhow oo goysa
- xaafada
- Gobolka
- Tixraaca meelwayga (haddii la yaqaan)
Markaad joogto dibada guriga gubanaya, marna gadaal ha ugu noqon – ku sug dabdamiska meel amaana oo lagu kulmo.
Sidee loola xiriiraa MFB waxweydiinta guud
Waxweydiinta guud, la xiriir adeegyada tarjumida qoraalka iyo afcelinta (TIS) tel: 13 14 50, sheegna luqadaad ku hadasho. TIS ayaa kugu xiri doonta mutarjum, marka mutarjumku khadka soo galo, weydii inay kugu xiraan MFB tel: (03) 9662 2311.
Waxbarashada Bulshada
Qaybta waxbarida bulshadu waxay si dhow ula shaqaysaa bulshooyinka kala duwan ee Fiktooriya si horamariyo barnaamijyada ka hortegida iyo waxbarashada amaanka dabka taas oo si fiican ugu xiran baahida kooxaha kala duwan. Qaybta waxbarida bulshada waxay samaysay macluumaad ku qoran luqado aan ka ahayn Ingiriiska waxayna tababareen dad ku hadla luqada bulshada si ay uga caawimaan gudbinta macluumaadka amaanka dabka.
Macluumaad intaas ka badan oo barnaamijyada Waxbarida Bulshada ee MFB wac: (03) 9665 4464
U qaybsanaha Barnaamijka Dhaqamada kala duwan
MFB waxay magacawday Sarkaalka u Qaysan Dadka dhaqamada kala duwan (MLO) meel kasta oo ka mid ah afarta qaybood. Sarkaalka u Qaysan Dadka dhaqamada kala duwan doorkiisu waa inuu isku xiro bulshada soo koraysa iyo adeegyada MFB iyo barnaamijyada. Sarkaalka u Qaysan Dadka dhaqamada kala duwan wuxuu ka cayaaraa door carab baabida khataraha dabka bulshada dhaqamada kala duwan dhexdeeda iyo caawinta MFB si ay si fiican wax uga qabato amaanka bulshada cusub oo soo koraysa iyo weliba kuwa mudada joogay. Uqaybsanaha waxaa lagala xiriiri karaa nambarada soo socda:
Soonaha koonfuree: (03) 9665 9710
Soonaha Dhexe: (03) 9665 9746
Soonaha Galbeed: (03) 9665 4358
Soonaha Waqooyi: (03) 9665 4479
Qaybta Horumarinta Bulshada kala duwan
MFB waxay u go’doontay bulshada kala duwan waxayna asaastay qayb diirada saarta dadka asaliga ah, dadka dhaqamada kala duwan, kuwa iinta leh iyo arrimaha sinjiga.
Qaybta Horumarinta Bulshada kala duwan waxay masuul ka tahay dhinaca nadaamka wax lagu dhaqayo, cilmi baaris iyo istaraatiijiyada iyo shaqooyinka lala wadaagayo dawlada bulshada.
Macluumaad intaas ka badan la xiriir Qaybta Horumarinta Bulshada kala duwan
Maamulaha (03) 9665 4436
Xiriiriyaha Arrimaha Dhaqamada kala duwan (03) 9665 4612
Xiriiriyaha Iinta (03) 9665 4448
Sarkaalka U Qaybsan Aborijinska (03) 9665 9716 Ama email u dir: diversity@mfb.vic.gov.au